Safka cusub ee Kooxda Manchester United xilli Ciyaareedka so aadan, Bale, Alderweireld, Alex Sandro, Rakitić iyo Bale

0
341

Hogaamiyaha Kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa maamulka sare ee Kooxdiisa ka codsaday in loo gacan geliyo lacag ku dhow £300-million, si uu ugu qarash gareeyo suuqa jilaalka ee so adan.

Bartilmaameedyada Kooxda ugu guulaha badan England ee United waxaa kasoo muuqday daafaca Kooxda Tottenham Toby Alderweireld iyo si lamid ah daafaca bidix ee Kooxda Juventus Alex Sandro, ku waas oo xagaagii hore ku fashilmay in ay qayb ka noqdaan kacaankii Mou ee gagida Old Trafford.

Kubad qaabeeyaha dhexe ee Kooxda Barcelona Ivan Rakitić ayaa dhowr jeer ku sigtay in uu ka tago Camp Nou, hase ahaatee Cayaariyahanka reer Croatia ayaa qorshaynaaya xagaagan in uu ka tago kooxda kasoo jeeda Camp Nou, si uu u hubiyo u dhaqaaqistiisa England.

Inkastoo dhowr jeer ay ku guuldaraysatay in ay hesho saxiixa Cayaariyahan Gareth Bale, hadana Manchester United ayaan wali ka quusan saxiixa, xilli shaki badan uu hareeyay mustaqbalkiisa Santiago Bernabéu Stadium.

Frederico Rodrigues de Paula Santos oo loo yaqaano Fred ayaa kasoo muuqday safka kowaad ee Kooxda, kaddib markii layska hilmaamay Cayaariyahanka ugu qaalisan Kooxda ee Paul Pogba, kaas oo aan kasoo muuqan 11-ka Nin ee Macalin Mou.

Xiddigaha David de Gea, Eric Bailly, Antonio Valencia, Nemanja Matić, Alexis Sánchez iyo Romelu Lukaku ayaa kasoo wada muuqday safka kowaad ee Mourinho, balse lagu lamaanin doono Xiddigaha la filayo in ay imaan doonaan Kooxda ee sida Toby Alderweireld, Alex Sandro, Ivan Rakitić, Gareth Bale iyo si la mid ah Cayaariyahan Fred, kaasoo dhawaan Kooxda kusoo biiray.

 

 

David de Gea

 

GK: David De Gea

 

Antonio Valencia

 

RB: Antonio Valencia

 

Eric Bailly 

 

CB: Eric Bailly

 

Toby Alderweireld

 

B: Toby Alderweireld

 

Alex Sandro

 

LB: Alex Sandro

 

Ivan Rakitić

 

CM: Ivan Rakitic

 

Nemanja Matić

 

CM: Nemanja Matic

 

Fred

 

CM: Fred

 

Gareth Bale

 

RW: Gareth Bale

 

, Alexis Sánchez 

 

LW: Alexis Sanchez

 

Romelu Lukaku

 

CF: Romelu LukakuIvan Rakitic could play in a midfield trio alongside Nemanja Matic and Fred at Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here