Xidig kooxdiisa ugu dhaqaaqay amaan daro awgeed oo hada ay xiiseenayaan kooxaha ugu awooda badan Premier league

0
453
MOSCOW, RUSSIA - JUNE 20: Gelson Martins of Portugal in action during the 2018 FIFA World Cup Russia group B match between Portugal and Morocco at Luzhniki Stadium on June 20, 2018 in Moscow, Russia. (Photo by Matthew Ashton - AMA/Getty Images)

Gelson Martins ayaan u saxiixi doonin kooxda Benfica ee dalka Portugal xagaagan, sida laga soo xigtay wakiilka weeraryahanka.

23 jirkaan ayaa ah mid xor ah xagaagan ka dib markii uu diiday in qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa Sporting Lisbon sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Ciyaartoyda Sporting ayaa lagu weeraray tababarka dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Martins ayaana ka mid ah xidigaha ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkan ka tagay kooxda.

Liverpool iyo Arsenal ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Martins , bakse 12kii bilood ee ugu danbeysay, Gunners ayaan la sheegay inay dalab u dirtay weeraryahanka bisha Janaayo.

Warar dhawaan soo baxayey ayaa sheegaya in Martins uu ku dhow yahay inuu u wareego kooxda horyaalka difaacaneysa ee Benfica, laakiin wararka xanta ah ayaa haatan diiday wakiilkiisa.

Liverpool iyo Arsenal ayaa wai diyaar u ah in ay dagaa ugalaan sidii xidigan aya ku keeni lahaayeen horyaalka premier league sanad ciyaareedka dhawaan bilaaban doona .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here