Antonio Conte oo ugu dambeen shaqada kooxda Chelsea laga ceyriyey iyo Maurizio Sarri oo la filayo inuu bedelo

0
124
LONDON, ENGLAND - OCTOBER 14: Antonio Conte, Manager of Chelsea looks dejected after the Premier League match between Crystal Palace and Chelsea at Selhurst Park on October 14, 2017 in London, England. (Photo by Clive Rose/Getty Images)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ceyrisay tababare Antonio Conte madaama macalinka ay isku wadanka yihiin Maurizio Sarri oo la filayo inuu bedelo Talyaaniga kale ee faarujinaya Stamford Bridge.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa wadahadalo la furtay kooxda Napoli oo ku aadan saxiixa tabare kooxda Sarri tan iyo dhamaadka xilli ciyaareedkii hore , iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay dalab u dirtay 7 milyan oo ginni, inkastoo ay hore usii magacaabeen Carlo Ancelotti oo sari lagu badalay.

Si kastaba ha ahaatee, Blues ayaa la xiriirtay kooxda reer Talyaani waxaana ay heshiis la gaartay macalin Sarri iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ugu ciyaara Napoli ee Jorginho oo isna ku biir doona kooxda Bules.

Conte ayaa labo xilli ciyaareed ku qaatay Stamford Bridge, isagoo Blues ku hogaamiyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee England.

Xilli ciyaareedkiisii labaad wuxuu ahaa mid mugdi ah, isagoo kooxda ku hogaamiyey booska shanaad, laakiin wuxuu ku guuleystay FA Cup, xilli ciyaareedkan Bules kama qeeb gali doonto tartanka champions league .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here