Barcelona oo diyaar u ah in ay iska iibiso mid ka mid ah Cayaariyahanadeeda

0
135

Daafaca bidix ee Kooxda Barcelona Lucas Digne ayaa doonaya inuu ka tago Naadigiisa, ka hor dhamaadka xagaagan.

Shabakada Sport ayaa sheegeysa in daafaca reer France ee Digne uu weydiistay saraakiisha Kooxda Barca in ay u ogolaato in uu baxo hadii dalabka saxda ah uu yimaado, ka hor ololaha danbe.

Barca ayaa ogolaatay codsiga Digne, ku waas oo hada diyaar u ah inay dhageystaan dalabyada u imaanaya kalyantigooda.

Cayaariyahan Lucas Digne ayaa ah dooqa labaad ee Kooxda, kaddib Jordi Alba, wuxuuna ka wal_walsan yahay inuu booska joogtada ah ka helo kooxdiisa xilli ciyaareedka soo aadan.

Barca ayaa diyaar u ah in ay ku iibiso aduun dhan €16-million oo euro.

 

Related image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here