Cesc Fabregas Oo Dalab Weyn Ka Helaya Kooxda……….

0
308

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Cesc Fabregas ayaa soo jiitay indhaha kooxda kubadda cagta Napoli.

Wadahadaladii Maurizio Sarri iyo Jorginho, La Repubblica ayaa sheegaya in Napoli ay Chelsea weydiisatay qiimo ku aadan Cesc.

Tababaraha Napoli Carlo Ancelotti ayaa taageere weyn u ah xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, waxaana uu u arkaa inuu bedel u yahay Jorginho.

Natiijada sawirka Cesc Fabregas

Chelsea ayaa 65 milyan oo ginni kula soo wareegeysa ciyaaryahanka khadka dhexe Jorginho, waxaana raba macalinkii ka tagay kooxda Napoli Sarri kaa uu ku dhaw inuu shaqada tababarnimo qabto kooxda Chelsea, lakiin waxa ay hoos u dhigi laheyd heshiiskaan oo ay ku jiraan Cesc oo wadahadalo ah.

Cesc Fabregas ayaa waqti fiican ku qaadanaya kooxda Chelsea isago ugu soo biiray naadiga Barcelona sanadkii 2014-kii, isago u saftay 132-kulan wuxuuna u dhaliyay 15-gool intii uu ku sugna Blues.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here