Rasmi : Barcelona oo la soo saxiixatay dafaca wacadaro ka dhigay horyaalka La Liga spain

0
181

Clement Lenglet, ayaa ugu dambeyntii loo caleemo saaray in uu yahay ciyaaryahan Barcelona ka dib markii kooxda ay bixisay lacagtii lagu kansalayey qandaraaskii uu kula jiray kooxda Sevilla.

Heshiiska lagula soo wareegeyey xidiga ayaa ha kad galay ka dib markii kooxda Sevilla ay iska diiday in wada hadalo ay la gasho Barca isbuucyadii lasoo dhaafay , balse Barcelona ayaa bixisay qiimaha hishiiska lagu qaadacayey oo ahaa 35.9 milyan.

saxiixa daafacan ayaa kooxdiisa cusub ee Barcelona la galay hishiis gaaraya 30ka Janaayo, 2023 iyo lacagta hishiiskiisa lagu kansali karo oo gaareysa 300m euros . Lenglet ayaa ku biiraya liiska afarta daafac dhexe ee haatan jooga kooxda oo kala ah (Pique, Umtiti, Vermaelen iyo Mina).

Aragtida, booska waxaa lagu soo daray ciyaartoyda ka qeyb galay Koobka Adduunka ee Russia, si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa go’aansatay inay lasoo saxiixato daafac dhexe, sababtoo ah waxay hubaal ahaan ka saari doonaan Yerry Mina oo xiiso ka helya kooxda Liverpool .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here