Real Madrid, PSG iyo Barcelona Oo Ku Dagaalamayan Saxiixa Laacibka Kooxda…….

0
206

Madaxda Barcelona ayaa rajeynaya inay seegaan xiddiga khadka dhexe ee Chelsea N’Golo Kante.

Real Madrid, PSG iyo Barca ayaa dhamaantood lala xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, laakiin Catalans ayaan rajeyneynin inay xagaaga soo iibsadaan.

Wargeyska AS ayaa ilo ku dhaw Barcelona ka soo xigtay “Waa uu fiican yahay, waa uu ina keenayaa wax badan, lakiin waxa uu ku dhameysan doonaa Madrid ama PSG.

Natiijada sawirka N'Golo Kante.

“Waxba kama qaban karno.”

PSG ayaa dooneysa inay 100 milyan oo euros ku iibiso Kante, iyadoo agaasimaha isboortiga Antero Henrique uu si joogta ah u booqanayo London xagaagan si uu wadahadal ula galo Chelsea.

Madaxweynaha Real Florentino Perez, ayaa sidoo kale waxa uu indhaha ku hayaa ciyaaryahanka Faransiiska ah iyagoo doonaya inay dib u dhisaan qadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here