Waa sidee xaalada Chelsea iyo saxiixyada suuqa’ City oo wali ku degen Cayaariyahan London u jooga Caafimaadka

0
407

Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea ayaa kusii dhawaanaysa saxiixa Ciyaariyahanka khadka dhexe ee kooxda Napoli iyo xulka qaranka dalka Talyaaniga ee Jorginho.

Sida ay ku waramayso Jariirada kasoo baxda Magaalada London ee London Evening Standard’ saraakiil ka tirsab Naadiga Blues ayaa fahansan in uu dhacay hishiiska labada dhican, kaddib markii uu soo gaaray Magaalada London 26-sano jirka reer Talyaani ee Jorginho.

Majalada Manchester Evening News, ayaa ku waramaysa in Kooxda Manchester City aysan wali ka quusan helida Cayaariyahan Jorginho, kaas oo la ogson yahay in uu rabo u dhaqaaqista Kooxda City.

Hogaamiyihii hore ee Kooxda Napoli Maurizio Sarri ayaa damacsan in Jorginho ay mar kale ku midoobaan garoonka Stamford Bridge, xilli ay ku tartamayaan labada Naadi ee Blues iyo City, walow saxaafada England ay fahansan tahay in Jorginho uu hishiiska shaqsiga la gaaray Kooxda Chelsea.

Si kasta ha ahaatee’ Kooxda kasoo jeeda galbeedka magaalada London ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa adeegyada daafaca Kooxda Juventus Daniele Rugani iyo si la mid ah Ciyaariyahanka Khadka dhexee Kooxda CSKA Moscow Aleksandr Golovin.

 

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article12894089.ece/ALTERNATES/s615b/Related imagehttps://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article12875247.ece/ALTERNATES/s615b/https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article12710390.ece/ALTERNATES/s615b/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here