Wax ka ogow ixxsaha goolhaye Alisson iyo Kooxda,,,,

0
159

Wararka imaanaya Caasimada dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Kooxda Kubada Cagta ee Liverpool aysan marnaba u dhaqaaqi doonin saxiixa goolhayaha Kooxda AS Roma Alisson Becker.

Kooxda Giallorossi ayaa iska laashay qiimo dhan £53-milyan oo ginni oo sidoo kale ay dheertay lacag dhan £5-milyan oo dib logu dari doono Kooxda Roma, kaddib wax qabadka ololihiisa kowaad ee Reds.

David Maddock oo wax ku daabaca Jariirada Daily Mirror ayaa sheegay in Kooxda kasoo jeeda gobolka Merseyside ay isaga hartay raacdadii ay kal hore ugu jirtay in ay hesho saxiixa Cayaariyahanka, hase ahaatee hada u muuqata mid isaga hatay.

Si kastaba ha ahaatee’ Kooxda boqorada Cad_cadka ee Real Madrid ayaa hada u muuqata mid kali ku noqon doonta adeega goolhaye Alisson Becker, si ay bedel uga dhigto Keylor Navas.

 

Related image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here