Xiddigaha Portugal oo kusoo uruuraya Serie A, Joao Cancelo, Cristiano Ronaldo markaana

0
130

Kooxda Kubada Cagta ee Parma ayaa xaqiijisay saxiixa daaficii hore ee kooxda Rangers Bruno Alves, kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiis hal sanno ah.

Kooxda Rangers ayaa xaqiijisay Arbacadii lasoo dhaafay in Alves uu dhamaaday qandaraaskii uu kula jiray Kooxda uuna sidoo kale diiday in uu saxiixa hishiis hal sano ah, si uu u sii joogo horyaalka Scottish Premiership.

36-sano jirkaan ayaa u saftay xulka qaranka Portugal 96-kulan, isagoo kasoo tagay Kooxda Cagliari sanad Ciyaareedkii 2016–2017, ka hor inta uusan ku biirin Kooxda Rangers.

Alves ayaa 25-kulan u saftay kooxda Rangers, isagoo lix ka mid ah uu ahaa kabtanka kooxda.

Bruno Alves ayaa sidoo kale laba gool u dhaliyay kooxda Rangers.

Hogaamiyaha Kooxda Rangers Steven Gerrard ayaa diirada saaraya daafaca kooxda Millwall Jake Cooper isagoo bedel u noqon kara Cayaariyahan Alves.

 

Bruno Alves leaves Rangers after one season

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here